CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

WAR DEG DEG AH (Dabley hubeysan oo soo galay Burdi)

Posted by Admin on July 26, 2009

rr armyJuly 25 – Borama(Warsanmag): Dabley hubeysan ayaa saaka subaxdii sahan ahaan ku soo galay degaanka Burdi oo ku dhow Ceel berdaale ee hore dagaaladu uga dhaceen. Ka dib markii rasaas la isweydaarsaday ayaa mid ka mid ah dableydii dhinaca Gabiley lagu dhaawacay. Dhawaca ninkaas oo ay ka carareen dableydii ayaa la keenay cusbitaalka Borama oo imika lagu daweynayaa laguna qulaaminayaa sida uu noo sheegay nin oday ah oo khadka telefoonka aan imika kula xiriirnay Borama. Taas oo muujinaysa gobnimada ay u dhasheen beesha Samaroon. Waxa jirtay malmihii dhoweyd xoogaa deganaasho ah oo laga dareemayey dhinaca maleeshiyada is hor fadhiya degaanka Ceel-Berdaale.

 Hase yeeshee waxa ay arintani ay tahay in la doonayo in la baabiiyo shirarka ka socda gabiley ee lagu soo qabanayo gacanku dhiiglayaasha. Taasoo isla xalay iyo saakaba dabley hubeysani ay weerar ku soo qaadeen magaalada Gabiley guri ku yaal oo odayaal ay ku shirayeen. Inkastoo aanay ku guuleysan sida lasoo sheegayo dableydu qorshahaas. Ugu dambeystiina labo ka mid ah dableyda gacanta ay ku dhigeen ciidamada amaanka ee degmada Gabiley. Wixii warar ah ee faahfaahsan kala soo xiriir shabakada u heegan wakhti walba inay idinla socodsiino siday wax u dhacayaan. Wararka oo maanta isdaba joog noogu soo dhacaya waxaan idinku boorinaynaa inaad wakhti walba lasocotaan Warsanmag si aad u ogaataan una akhrisataan kolba war wixii u dambeeyay. Warsanmag

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: