CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Hargeysa ha ka tashato inay Xamar noqoto iyo inkale

Posted by Admin on July 26, 2009

   Dila

29/07/26 (Ceelbardaale press )Waxan qurbaha ku nolaa mudo labaatan sano ah gar ahaan North America. Waxa an xasuustaa dhacdo imika laga jogo kow iyo labaatan sano oo i xasuusineysa wax maanta dhacaya ee ka taagan degaankii aan ku dhashay. Marnaba ma fileyn inay dhacdadaasi igu soo noqoto intaan noolahay .

Waxanan u heystay in laga bogsaday oo cashar inagu filan aan ka qaadanay wixii ina soo maray sanadihii lagu jiray dagaalka skeeye. Waxan u heystay in shirarkii salka loogu dhigay S/Land ee ka dhacay Burco iyo Borama lagu iloobay xilifkii iyo guuldarooyinkii soo kala gaadhay dadka walaalaha ah ee wada degan oo aanay dib u dhici doonin wax la mid ah wixii ina soo maray.Waxa sidaas inaan u fikiro sabab iigu ahaa oo aan had iyo jeer eedda saari jiray xukuumadahii Somaliya oo aan iska dhaadhiciyey in ay ahaayeen kuwa aan dadka u tudheyn madama madaxdu inta badan ka imanayeen koonfurta. Waxan markaa talo ku goostay in aanay dib u dhici doonin wixii hore udhacay madaama taladii aan faraha inagu ku heysano S/LAND. Sidaa awgeed waxan aaminay inay S/Land damaanad qaadi kareyso nabadgalyada iyo xasiloolaanta dadkan kuwada nool S/LAND.

Hase ahaatee waxay noqotay fikradaasi biyo col dhaanshay iyo riyo aan meel fog jirin.Waxaan arkaa wixii dhacayey lixdii bilood ee u dambeysay iyo colaadii Hargeysa laga abuuray ee dadkii degaanka deganaa la soo dhex dhigay iyadoo la fushanayo dano siyaasadeed oo xaraan ah .Waxan filayey hawlaha noocaasi ee jariimadda xambaarsani wakhtiyadii hore inay xamar ka iman jireen. Madama Xamar aan kala tagnay ma fileyn in ay dhacdooyinkaasi soo noqdaan. Hase yeeshee waxay noqotay in Xamar iyo Hargeysa ay yihiin dameer iyo labadiisa daamnood oo aanay kala ilka qaboobeyn .

Waxaan idin xasuusin dhacdo tan maanta dhacday aan ka yareyn oo keyntay dagaalkii sokeeye oo ku habsatay beelaha degaankan dhibtu ka taagantahay imika.Waxay aheyd 1988, Maleeshiyo beeleed ka tirsan degaanka Gabiley ayaa subax hore ku soo waabiirstay masaajid ku yaal magaalo Cad waxay ku dileen 10 oday oo saladii subax ka soo baxay. Waxay ahaayeen odayaashasi haldoorkii iyo waxgaradkii Reer nour. J/ABokor ma waayin rag reer nour ah oo la beegsado laakiin ujeedadu waxay aheyd madaxda beegso si dagaal sokeeyo u dhaco. Duqeyda falkaas lagu dilay waxaa ka mid ahaa Xaaji Muxumed Aw cilmi oo inankiisi PROF. Ahmed Ruush isna mar hore ay isla maleeshiyadaasi ay ka qafaalatay jidka Boorama iyo Dila u dhexeeya isagoo macalin ka ahaa dugsiyada sare ee Hargeysa oo sida la sheegay ay nolol ku jarjareen maleeshiyada Gabiley. Markii ay intaasi dhacday arintii faraha ayey ka baxday waxanay ku dhamaatay aargoosi ay ku dhinteen in ka badan 10.000 oo ruux oo kasoo kala jeeda degaamada Gabiley, Dila iyo magaalo cad. Aargosigaas weli way ku dunsanyihiin magaalooyinka Dila iyo magalo Cad. Hase yeeshee sidaan aniguba hore idiinku soo sheegay ayaa la filayey in laga bogsaday oo aanay dib udhaceenin. Lakiin dhacdooyinkii lixdii bilood ee u dambeeyey ka taagna deganka Ceel-Berdaale oo ay ku dhinteen dad badan iyo jidgooyadii u dambeysay ee jidka Dila iyo Gabiley ee lagu gowracay dad safar ah oo aan waxba galabsan, waxay dib i xasuusineysaa xasuuqii Masaajidka Magalo cad ee lagu dilay Duqey aan waxba galabsan. Hadaba maanta arintu waxay taagantahay halkay taagneyd 1988 labaatan sano ayaa dib loo noqday.Waxayse arintu taas hore kaga duwantahay arintu Xamar kama ay iman waxay ka timid Hargeysa Hargeysa ………Hargeysa markan leeyahay waxan u jedaa xukuumad xisbiyo golayaal iyo wax garad intaba. Is cadeeya inaad Xamar kale tihiin iyo inkale. Waxad isku cadeyn kartaan: 1- Inaad soo qabataan gacan ku dhiiglayaasii dadka qashay iyo intii taageeresay. 2- Inad faraha aad kala baxdaan Arinta Ceel-berdaale oo dadka degaanka degan xalkeeda loo daayo.Waxaan sidaas uleehay arinta ceelberdaale doorashadan unbaa keentay ee dhib hore ma jirin 17 sano dadkii way wada deganyihin colaadina ma jirin ka hor diiwaangelintii iyo muraankii axsaabta. Hadii Hargeysa ay arimahas laga sugayo ay xal u heli weydo ama ay sii wado sidii xamar isku dirka iyo dhibta markaa go’aan baa laga gaadhi Hargeysa. Go’aanada waxa ka mid in dadku ay amaankooda sugaan oo aanay Hargeysa ku haleyn sidii Xamar. In cidii dambi gashay dadku ay iyagu isku dayaan inay soo qabtaan oo aargoosi iyo colaad hor leh ay ka dhacdo degaanada Galbeedka sidii wakhtigii Xamar ay talada heysay. In Hargeysa xaduudaha laga xidho oo reer Awdal ay mudnaanta kowaad siiyaan amnigooda haday tahay jidadka, Magalooyinka iyo tuulooyinkaba oo la isku tashado iyadoo aan Hargeysa waxba laga sugin sidii Xamar. Hadal iyo murti Hargeysay tasho oo xal keen ka duwan kii Xamar.

mohamed dhiirane

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: