CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Xarunta Dad-Qalatada ee ina Raage-qaate waa in la xidhaa lana soo qabtaa dhagar qabaha

Posted by Admin on July 22, 2009

 
 

dadqal

Dhaqdhaqaaq aad u xoogan ayaa ka socda xarunta dad Qalatada ina Raage Qaate oo sida la saadalinayo ay isku diyaarinayaan hawlgalo kale oo ka baaxad weyn kuwii hore ee ay jidka ka fuliyeen.Waxa sida warar Hargeysa la isla dhexmarayey oo laga soo xigtay maqaamka DadQalata ee Hargeysa ay sheegayaan inay saluugsanyihiin hawlgaladii hore oo ay filayeen in aargoosiga iyo dhimashadu ay intan ka badato.Sidaa awgeed ayaa hadal heyntooda laga soo xigtay in diyarinayaan hawlgalo kale oo isku jira DadQalato hanti baabiin iyo jidgooyo kale iwm.

 

Hawlahaa la sheegayo waxa mid ah inay qorsheynayaan mid ka weyn jidgooyadii ay hore u sameeyaan.Waa wax dhici kara waayo xaruntii hawsha laga fulinayey ee Buuraha Buqdhada Ilgoray oo udhow Ceel -Berdaale sideedii ayey u shaqeynaysaa.Taliskii iyo madaxdii DadQalatadu way joogaan oo uu ugu horeeyo hogaamiyahooda DadQal ina Raage Qaate.
Waxa kaloo jooga dhamaanba intii hawsha fulisay jidgooyada iyo intii kale ee dagaalka ku soo qaaday Degaanada Ceel-Berdaale.Waxa kale oo xarunta jooga odayaashii qaadayey wareysigii (interview) dadka lagu qalayey ee lagu hubsanaeyey cidda ay yihiin.waxa kaloo la geystay hantidii iyo raashinkii iyo lagactii dadka laga dhacay oo maalin walba qayilaad loo fadhiyo.
Waxa kaloo siyaarta oo taga xarunta dad uga yimaadda Hargeysa iyo Gabiley oo xiriiriya hawlgaladooda iyo waxyaabaha socda sidii kuwii imika ka soo qaaday Afarta baabuur ee ay ku heysteen xaruntooda.
Marka aad waxan oo dhan isku wada geyso iyo sida xorta ah ee ay hawlahooda u wataan waxa arintu ay u egtahay qabasho iska daaye inay hawlgalo tii hore ka weyn ay Maleegayaan.
Waxa hawlgaladooda ka mid noqon karta inay dad shacbi ah oo reer Awdal ah inay Hargeysa ku Qalaaniyo inay markale jidka istaagaan iwm.
Sababta ku kalifeysa inay waxan sameeyaan waxay aheyd in lagu kala tago S/Land oo gawracaas iyo mid ka darani dhinaca kalena ka yimaado oo lagu laayo dad masaakiin ah.
Taasi ma dhicin Reer Awdalna waxa ay sugayaan in DadQalatadii gacanta lagu dhigo oo ay dawladdu fulineyso arinkaas.Haday dawladd fulinweydo amaba ay ka hor tagi karweydo dhib kale oo ka weyn tii hore dabcan dadku iyagaa hawshooda qabsan doona.
Dadka buurta ku jiraa Awood iyo tamar badan maleh xukuumaddu way ufududahay inay gacanta ku soo dhigto laakiin waxay sugeyso oo ay dadqalatada u dhowraneyso la garanmaayo!
Odayaasha Ergadu awood uma laha qabashada gacan ku dhiiglayaasha waxay la socdaan waa beryo beryadiina afartaa baabuur way dhaafi laadahay inkastoy dadaalayaan.
Haddaba meesha waxbaa ka maqan Awodii dawladeed baa ka maqan ee xarunta dadqalatada xoog ku muquunin laheyd intii aanay fal kale geysan.
Dawladdu waxa looga baahanyahay labo arimood oo kaliya:
1- soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha iyo madaxdooda.
2- Inay xidho xarunta DadQalatada Ina Raage Qate
Hadii dawlddu ay taasi si degdeg usameyn kariweydo ha ku talagalaan in dawladii ay ka awood ronaatay xarunta DadQalatada ee Buqdhadu.Lakiin shacbiga reer Dila way ka itaal roonyihiin DadQalatada.Saddex weerar oo ay ku soo qaadeen midna kuma ay guuleysan wa ta keentay inay Jidka istaagaan oo ay dad qafaashaan hadana Qalaan.Dagaalkii u horeeyey waxay sameeyeen dhawaci iyo meydkii ayey suuqa Gabiley ku dhex daadiyeen, si ay dadka u kiciyaan oo Samaroonka Gabiley degan loo xasuuqo.Inkastoo dad cadheysan ay khasarooyin hanti u badan ay geysteen iyo dhawacba laakiin dhimasho iyo xasuuq midna kuma dhicin Samaroonka Gabiley.
Haddaba markii ay taasi keeni weyday xasuuqi ay filayeen ayey imikana jidka galeen oo ay tan sameeyeen si xasuuq Borama uga dhaco lagu laayo dad magaca Reerkaas ah oo arday iyo baayacmustar ba leh.
Hadaba ma fulin qorshahaas labaadna oo xasuuq kama dhicin Borama lagu laayo dad shacbi ah oo Isaaq ah.Madaama aanay dhagartaasi fulin maxaad sugeysaan imika waa dhagartii sadexaad oo hadda lagu maleeagayo xarunta ina Raage Qaate iyo meelo kale oo udhow oo noqondoonta tu aan hore udhicin.Hadii la doonayo S/lAND inay badbado xukuumaddu ha ka hor tagto qorshahaas saddexaad oo ah kii lagu kala tagayey waayo shacbiga reer Awdal samirkoodii waa dhamaad. Sideed bilood markii Dadqalka ina Rage buurta galay xukuumadda waa loo digay ,imika ayuu dhowyahay ee wax ka qabta ayaa loo sheegay, markaa cidi ma dhiman.Waxay u heysteen inuu reer nour oo kaliya buurta u galiyey,laakiin ma ay rumeysan inuu buurta u galay inuu nabadda baabiiyo,dadka isku diro ,ugu dambeyntana xukuumadda baabiiyo.intii kale oo dhani way usoo suuragashay oo dadkii wuu laayey,colaaddii wuu dhaliyey ugu dambeyntiina jidka inta joogsaday ayuu dadqal noqday.imikana waa qorshiisii udambeeyey oo xukumadii ayuu baabinayaa markaa xukuumaddu iyaday jirtaa inu dadqalku baabiiyo iyo inay iska difaacdo oo ay dadqalka gacanta ku qabato.

 

  1. Burdi xaaxle.warsanmag

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: