CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Awdal wax hanti ah waxay heysteen nabadda oo kaliya.

Posted by Admin on July 22, 2009

Awdal wax hanti ah waxay heysteen nabadda oo kaliya.
 
DilaJuly 22, 2009.
Reer Awdal wax hanti ah waxay heysteen nabadda oo kaliya.
Nabadiina waa loogu yimid oo waxa lagu yidhi iyadna heysanmeysaan oo wakhtigeedii wuu dhamaaday.Kuwa nabadda la col ka ah ee buuraha galay ee jidka gooyayey ee dadka Qalay iyo inta caawineysa ee nabada ceelka ku riday.Waa kuwa S/Land ugu badsaday magac iyo manfacba.Tusaale: Degmada Gabiley waxay xukuumadda ku leeyihiin ugu yaraan sadex Wasiir.Wasiirka ganacsiga, wasiirka madaxtooyada ,wasiiru dawlaha hawlaha guud.waxay ku leeyihiin ugu yaraan afar agaasime guud.Taliyaha ciidanka qaranka iyo sarakiil kale oo xukuumadda ka tirsan oo aan tiro laheyn.
Waxa inta dheer miyi iyo magaaloba mushahar ayaa laga wada qataa wasaaradaha dalka ama ha shaqeeyo ama yaanu shaqeynba eh.Xataa waxa musharka uxaadira dad beryo hore dhintay.Waxa intaa udheer customka cashuurta ugu badan ka soo baxdo ee ku yaala Wajaale oo cashuurta ka soo baxda 80% lagu qeybsado Wajaale.
Marka aad dhinaca Awdal usoo gudubto dugsiyadii baa xidhan oo macalinkii mushahar loo waayey oo la yidhi idinku iska bixiya.Dila dugsigeedii ilaa ingiriiskii furaa oo mantana leh dhexe hoose iyo mid sareba dadka qurbojoog ah ayaa bixiya mushaharka macalimiinta bisha aanay soo dirinna waa laxidhaa.Awdal inteeda kalena waa sida oo kale oo IQRA ayaa macalimiinta siisa mushaharka.Dhinaca xukumadda hadaan uleexanno waxay reer Awdal leeyihiin labo wasiir iyo hal agaasime guud.Gabiley ayaa labo jibaar ka badan.
Haddaba waxa la yab leh in kuwii meeshan wax ku heystay ay buuraha galaan ,nabadii dumiyaan ay is qaban waayaan oo ay tan imika ee jidka ka dhacday ee dadka safar ah lagu gowracay ay u dambeysay.Inkastoo wax lala yaabo ay tahay hadana waxa jirta sabab,taasoo ah marka qofka adamiga ahi dhiilkiisu buuxsamo ee baahida caadiga uu daboolo waxa uu doonaa wax aan cadi aheyn oo lagu sifeeyo Kibir iyo ka badbadin iyo Dibiro dhacsi ileyn waa la dhargaye.
Dibiro dhacsi:
Lix bilood ka hor ayaa la is weydiiyey war dharegnaye halkeen ku dibiro dhacsanaa?
waa su,aal da,weyn? Dhinac walba waa laga rogay waxay jawaabteedii noqotay waxan ku dibiro dhacsaneynaa halkii RAGGI RAGGA ahaa ay ku dibiro dhacsanjireen waa shantii Camp ee shantii nin ee Golaha Sare ay ku dibiro dhacsanjireen markay Woqooyiga yimadaan ee Ceel-Berdaale iyo Xeebta Lughaya.Xataa magacyadii dhulkan lahaan jiray garanmaayaan intii ka horeysay mashruuca ay ugu yeraan shanta Camp.Waxay ka qabsatay shantii camp hadaanaan helin.

Dhulkaa shanta camp ee lagu dibiro dhacsanayey dadbaa lagaa qaatay oo la laayey qaarkoodna la xidhay hawshaas oo dhan waxa fulinayey Muriidkii shanta Camp ee dhintay Raage qaate.
Markii hawshaas la bilaabay lix bilood ka hor dadkii dhulka daganaa waxay yidhaahdeen dhibaatooyin hore ayaan iska ilownay laakiin dibiro dhacsi yeeli meyno.
Xabad baa lagu bilaabay hase yeeshee way is difaacen.Markay isdifaaceen ee kibirkii joojiyeen.Waxay yidhaahdeen qolyihii kibirsanaa hadaanaan dibiro dhacsankareyn oo anaan shantii Camp heleyn maan nabadda ceel ku ridno oo aan jidka goyno oo aan wax qalno.oo aan xukuumadda iyo wixii nidaam ah ee jiraba baabiino.
Waxa haddaba suaashu tahay yaa wax ku waaya haday dunto?
Jawaabtu waxa weeye meeshaas hantida qudha ee reer Awdal ku heysteen waxay aheyd nabadda hadii nabadiina loogu yimid maxaa faro ugu jiraba.Wataa Hanadoodii iyo waxgardkoodii jidka lagu Qalayo iyagoo Safar ah.Wataa caruurtoodii lagu tooganayo suuqa dhexdiisa iyagoo tacsi ufadhiya ee aan labo Cali isweydiineyn.
Haddaba haday ninkay ka dumeysay ee magac iyo manfacba ku heystay uu duminayo ha dunto.Magaaloyinkayagii weli way dundsanyihiin sidaad udumiseen. Waxa shalay hadlay odayaal iyo rag mutacalimiin ba sheeganaya oo ka hadlaya Calan oo aan ka hadleyn Gowracii iyo sidii loo qabanlahaa dadqalatada. Ragani ma fahamsana Calanka ay ka hadlayaan iyo xaqa qofka muwaadinka ahi leeyahay marka uu cadheysanyahy. Mareykan ,Canada iyo Yurubba calamada waa la gubaa markay cadhoodaan shacbigu waxayna la soo baxan Calanki NAZIGA ee boqolalka milyan udhinteen.Idinkuna waxa ka hadleysaan Calanka somaliyeed ee jira ee weli calamku inoo aqoonsanyahay inan weli qeyb somali ka mid ah nahay.haddaba calan arintu maahee waxa uun ay qeyb ka tahay waxyabahaa hore een ka hadlayey.
Burdi xaaxle

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: