CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Suldaan suleyman talooyinkiisii dhacdadii jidgooyada iyo dagaalkii ka hor.

Posted by Admin on July 21, 2009

ceelbardaale  July 20, 2009. ( Talooyinkii suldaan suleyman dhacdan jidgooyada ka hor:Bal u fiirso maqaalkan oo bil ka hor ku soo baxay warsanmag,sabata aan maqaalkan usoo celinay waxay tahay iyadoo shabakadda Somaliland.org maanta ay soo qaateen kaliya hadalada Suldaanku u yidhi bil ka hor oo ku jiray maqaalkan, balse ka gaabsaday wakhtiga uu yidhi iyo meesha uu ka yidhi tasoo ay ula jeedaan inay khalkhal geliyaan MOWQIFKA SULDAAN SULEYMAN ee wakhtigan xaadirka ee ku aadan dhacdadan jidgooyada iyo dagaalkaba.Iyadoo la ogyahay go,aanka suldaanka ee wakhtigan xaadirka oo ah in kaliya reer Gabiley looga baahanyahay inay soo qabtaan gacan ku dhiigalashii,int aan waxkale loo gudbin) Suldaan Suleyman Suldaanka guud ee beelaha reer Nour ayaa baaq nabadeed warbaahinta ku shaaciyey bil ka hor dhacdadan imika.Waxa uu suldaanku ka hadlay markaa hore arinta ceel berdaale isagoo carabka ku dhuftay in arintaasi maslaxadeedu ay ku jirto dadka ay khuseyso oo ah beelaha is dhalay oo ka wada hadla.Waxa haddaba suldaanku isagoo arintaa ka hadlaya bil ka hor dhacdadan(jidgooyada) uu fidiyey Gogol nabadeed oo colaadas iyo khilaafkaas beelaha is dhalay laga dhex wado lagu soo afjaro.laakiin lama dhageysan ee waxa loogu bedelay dagaal iyo jid gooyo.

 

Maqaalkaas oo bil ka hor soo baxay oo cinwaankiisu ahaa suldaan suleyman oo abtiyashi gogol u fidiyey waa kan: Waxa Suldaanku hadalkiisa oo kooban uu ku yidhi: “Abtiyaal, Seediyaal, walaalayaal iyo gacalkeyow waxaan idiin fidiyey gogol Suldaan iyo Reer nour oo aan suldaankoodii ahay kasoo qeyb gala si aan khilaafkeenna udhameysanno”. Waxa haddaba hadalkan Suldaanku ku soo beegmay wakhti ay salaadiin kale oo aan degaankan dhibtu ka taagantahay aan udhalani ay warbaahinta ka hadleen iyagoo siyasadeynaya arintan dhimashada iyo dhibta keentay. Suldaan suleyman isagoo jawaab arintaa ka bixinaya waxa uu Yidhi: “Waxa jira salaadiin aan u dhalan dagaankan dhibtu ka taagantahay oo arintan ka hadlay.waxa uu sheegay in aanay saladiintaas aanay ku jirin Sacad Muse iyo Jibril Abokor salaadiintoodii. waxa uu yidhi taas ayaa ku tusineysa in arinta salaadiintani wadaan ay tahay mid siyasadeysan oo danta labada reer ee isdhalay kala fogeyneysa.Waxa uu yidhi Sacad muuse waa reer qawi ah oo aan u baahneyn inay cidi u hadasho.Cid ka itaal roonaatay ama ka af badisay oo keentay in loo hadlaana ma jirto. Markaa waxan leehay in arinta loo daayo dadka is dhalay ee ay khuseyso kuwasoo dhib iyo dheefba wadaaga”.

                                            Suldaanku waxa kaloo uu ka hadlay nabad galyada guud isago sheegay in waxa aan dawlad ku nahay ay tahay nabadgelyada. Hadii nabad gelyadaas ay meesha ka baxdo waxa iman dhibaatoyin in dhaxalsiiya dawlad la’aan.Ugu dambeystii waxa uu suldaanku dardaan usoo jeeday beelaha is dhalay ee dabka laga dhexshidayo. Waxana uu yidhi: “Hadii aan dabkaa iska damin kariweyno oo aan si gacalnimo iyo walaltinimo leh aan u xalinweyno khilaafkaas iyo dhibtaas la inaga dhex wado waxa iman doonta waxa aynaan ku farxi doonin sidii hore u dhcday, waxaad dili abtigaa waxaad dili seedigaa, waxaad dili ina abtigaa, waxa dili waa qoyskaagii uun oo kuu ahaa labada garab. Sidaa awgeed arintu weli xal bay leedahay inta aanay faraheenna ka bixin ee gogoshaa aan dhigay aan kuwada xaajoonno.” Hadaba hadalada suldaanka waxa ka muuqata inuu weli rajo ka qabo in colaadan la joojin karo iyadoo lagu soo celinayo xalkeeda cidii ay khuseysay oo keliya ee beri ka maalin marka ay dhibtu timaado ay taabaneyso. Waxana uu Suldaanku mar horeba ku taliyey markii ay guurtidu arintan faraha la soo gashay inaan arinta hoos laga qabto oo labada Jilib ee Cumar Halas iyo Yoonis xareed aanay dhaafin. Hase ahaatee colkii arinta iska watay markiiba arintii waxa ay ka dhigeen Reer nour iyo Jibril Abokor . Imikana marka aad dhgeysato salaadiintan waxa ay arintii gaadhsiyeen qadiyad Isaaq iyo Gadabuursi ka dhaxeysa.

                      Waxan ognahay maanta in aanay jirin qadiyad aan u kala fadhino Isaaq iyo Gadabuursi ka dhaxeysa oo colaad keenta. Waxase arintu ay u egtahay amaba dadkan colaadan ka dambeeyaa ay aminsanyihiin inay sidaas ugu dhaleyso oo mansab iyo magac dheer ay ku hanan karayaan.Waxanse u sheegaynaa in aan arintaas dhibta ka dhalataa aanay cidna ku lulandoonin dhiil caano ah, sidaa awgeed ay ka waantoobaan oo ay toobad keenaan. Arinta dhulka markaan usoo noqonno Jibril Abokor wax garadkiisu iyo intii degaankaas khilaafka laga dhex wado aqoon ulihi way ogyihiin runta. Runtaas oo ah in dhulkaas Reer nour iska leeyahay oo ay imikana deganyihiin.Way ogyihiin in dhulkan nidaam mashruuc iskaashato lagu qaatay oo Dawladii siyaad bare iyo sheekhu ay shirkad ku ahaayeen.

                                            Way ka xumaayeen intooda waxgaradka ahi sida loola dhaqmay dadkii reer nour ee degaankoodii laga barakiciyey wakhtigii kacaanka ee loogu bedelay dhulkoodii iskaashato ama mashruuc. Markii ay SNM ay qabsatay dhulka, Reer nour waa kii qaxay ee tagay Awbare iyo Ethopia ka dib markii dhulkoodii la dumiyey ee la baabiyey. Muddo laba sano ah ayey maqnaayeen oo xataa ilaa Dila iyo Magaalo Cad iyo dhamaan tuuloyinkaas aan la degin. Reer nour waxa ay ku soo noqdeen heshiskii beelaha nabadeynta ka dib shirkii Borama1993. Sidii degmada Dila, Magalo Cad iyo Baki loogu soo noqday oo kale ayaa degaanka ceel berdaalena Reer nour ugu soo noqday oo loo degay. Tuulooyiinkii wakhtigii kacaanka mashruuca lagu qaatay ayey dugsiyo ka fureen oo ay degeen. Haddaba wakhtigaas aan ka maqneyn dhulka, Jibril Abokor cid ka hor joogtay ma jirin oo iyagaaba heystay ilaa iyo Law-yacaddo maleeshiyadoodii. Su’aasha meesha taala waxa weeye hadii ay aminsanyihiin inuu dhulkii mashruucii Ceel Berdaale lagu qaatay ay aminsanyihiin inay iyagu leeyihiin maxay u degi waayeen? Jawwabtu waxa weeyi Jibril Abokor way ogyihiin in aanay dhulkan mashruuca lagu qaatay wakhtigii kacaanka in aanay laheyn sidaas ayey u dagiwaayeen.

                          Reer Nuur sidii Dila loo dagay ayaa ay udageyn dhulkoodii oo banaan oo kacaankii Siyaad bare iyo sheekhiiba ka dhinteen. Jibril Abokor way ogyihiin in sheekhii hore dhulkaas dawlad la hoos galay, sidoo kale wiilkiisuna hadii uu dhulkaas ku helayo sifihii aabihii ku hantay oo kale waa arin isaga u taal oo ku xidhan raganimadiisa iyo sida uu abaabul usameeyo. Sidaa ayey aminsanyihiin waxgaradka Jibril abokor. Hadaanay sidas aheyn sidii ay mashruucii kale ee wajaale u degeen ayey udagi lahaayeen. Haddaba way jiri karaan in dad J/A siyasad lagu xado ama dhaqaale lagu soo jiito oo arinkan ka dhigta arin jibril abokor iyo reer nour dhextaal sida ay warbaahinta ka sheegaan laakiin, guntu waxa weeye majirto.

                                                 Runtu runteeda ayey tagi ninki dhulkiisa heysatana ee isagoo ka maqan xataa la hungureyn waayey imikana siyaasad iyo mashruuc kale oo sadex gees ah oo kursi lagu beegsanayo lagu dhaqaajin maayo. Haddaba intiina warbaahinta lagu xado bal aan dhinaca kale tusaale aan idin siiyo ku saabsan aragtida runta ah ee dhulkan mashruucii ceel berdaale. Tusaale: Kasoo qaad in sheekh reer nour u dhashay uu dawladii kacaankii la kaashado inuu dhulka u dhexeeya Wajaale iyo Kalabeydh ilaa iyo Geed- balaadh oo u dhow (Aley-baday) uu ka sameysto mashruuc beero ah oo dawladii uu la hoos galay. Ka dibna ay dawladii dhacdo oo awoodii dadka Jibril Abokor lagu muquuniyeyna ay meesha ka baxday sida Siyad iyo Cali samater oo beeraha qaarkood lahaa. Ka dibna Jibril abokor dhulkoodi wajaale ilaa iyo geed-balaadh(aley-baday udhow) iskaga soo noqdaan. Ka dibna sheekhaas dhuka shirkadda ku qatay uu dhinto oo inankiisi yidhaahdo Tolaay dhulkeygii, Reer nour waa ogyahay in wajale ila geed-baladh Jibril Abokor leeyahay, degimayo xataa haday ka maqanyihin sidii Jibril Abokor yeelay ee aanu u dagin markii Reer nour ka maqnaa dhulkooda, waayo waa dhul gudaha ugu jira oo aan la heysan karin ilaa xukuumad awood badan oo dadka muquunisa mooyane sidii Kacaankii ay Reer Nuur u muquuniyeen iyadoo la isticmaalayo magac iskaashato tasoo Siyad Bare iyo sheekhii ina Raage isku kaashadadeen.

Siyaad Barena sheekha ku amaanay inuu yahay Abihii iskaashatooyinka Somalida markii usoo booqday ceelberdaale ee lagu casuumay 1970s. Hadaba inta ka caafimaad qabta dhibtaas laga dhexwado beelaha is dhalay ee og gunta arintan ee leh waxgarad cuqaal iyo saladiin waa inay iskaashadaan oo ay meel kasoo wada jeestaan. Gogoshaa Suldaan Suleyman fidiyey lagu wada fadhiisto lagu arinsado oo aan reer bari aanay inaga faaiideysan. Waayo magaaloyinka Camiran ee loo soo shaqo tagay waa kuweenaa laga bilaabo Borama ,Wajaale ,Gabiley, Hargeysa ilaa iyo Berbera iwm. Hadaan iskaashan weyno magaaloyinkaas camirani way burburi donaan waana la bililiqeysan. Markii aan iskaashanay waynagii qabanay shirkii Borama 1993. Waynagii salka udhignay dawladii S/Land ee Cigaal hogaaminayey. Waynagaa ku caano maalay 17 sano oo deero deero hirdiyin. Abtiyaal, walalayaal yaan la inaga daadsan macaashka aan ku helnay iskaashiga iyo nabadgelyada. Yaan la inagu dhexridin colaad ka itaal weyn tii Siyaad bare ina dhexdhigay ee aan ku weynay kumanaan ina la dhalatay. Inkastoo Dila iyo magaalo Cad ay weli dunsanyihiin oo nacebkeen ugu tala galay in aynan kala bogsan oo colaad joogta ah ay ino ahaato. Anagu dhinacayagii waan ka bogsanay idina sidoo kale nabar dambe abtiyaal ha inagu celinina. Iskaashi iyo wadajir ayaan wax ku noqoneynaa. Hadii kale cidina dhiil caano ah ku lulanmeyso . Xigasho:- Mohamed Dhiirane

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: