CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUUL IYO MIDNIMO

Dhagarta La Dugsanayo Waa Shay Xaaraan ah..!!!

Posted by Admin on July 19, 2009

zpp4

Dhagar-qabaha oo la dilo ayay ku jirtaa nolashiinu. Waa macnaha ay gudbinayso Aayadda 179 ee Suuradda Al Baqara. Dhinaca kale haddaad isha mariso 25ka-50ka Aayadood ee Suuratul Maa’ida, waxa uu Quraanku kuu iftiiminayaa taariikhdii dheerayd ee ay lahayd dhagartu, intii uu Aadanuhu jiray ilaa manta, waxa sababa iyo sida ay Diimaha Yuhuudda, Kiristanka iyo Muslinkuba u maareeyeen dhagartaas. Hal-ku-dhegga seddexda Diimood, sida uu Quraanku sheegayo, mar kasta waxa uu ahaa; Haddii maarayntaas iyo xukunkaas la dabiqi waayo, in diintii laga baxay.  

Waa arrin adag oo u baahan in lays dul taago. Qofka qof dila, haddaan lagu fulin xukun dil ah, waa diin la’aan. Quraanku intaas kumuu dayn, ee waxa uu yidhi; xukunkaas nolashiina ayaa ku jirta. Taas macnaheedu waxa weeye, marka aynu fulino xukunka Ilaahay ayay yaraanaysaa dhagartu oo laga maagayaa dilalka keeni kara aargoosi, dagaalo sokeeye, qas iyo lab, iyo jaha-wareer meel uu ku bilaabmo iyo meel uu ku dhamaado aan lahayn.

Fulin la’aanta xukunka Diinta ka sokaw, waxaa iyana dhiiri-galiya dhagarta, oo uu quraanku inoo sheegay damaca iyo xasadka ku abuuran Aadanaha. Kaas oo isna u baahan xakamayn iyo sharci maareeya. Qaska ugu badani waxa uu Somaliland ka haystaa damaca iyo lahaanshaha dhulka. Ilaa hadda ma hayno shuruuc dhaqan gal ah, oo la fuliyey, oo dhulka ku soo celisa gacanta Dawladda.

Dhulkeenu xeebta ilaa xadka waa  seerayaal qarfo ah, oo aan xataa calaamad lahayn, laakiin dadweynuhu sheeganayo oo uu kala siisanayo malaayiin Doolar. Taas waxaa ka daran Dawladda oo aan ka helin wax cashuur ah iibkaas iyo lahaanshahaas. Seerayaashaasi waxa ay toos uga hor imanayaan shareecadda Islaamka oo mamnuucaysa seero qarfo ah oo aan ahayn ka Ilaahay iyo Rasuulkiisa oo maanta u dhigma seeraha dawladda. Xaaladdeena oo kale meel ay adduunka ka shaqayso lama hayo. Matalamba dalka Jabuuti oo yaraantiisa bed ahaan aan ka war-qabno, dhulkiisu wuu wada banaan yahay, gacanta dawladda ayaanu ku jiraa. Halkaas ma jiraan cid dhul isku dishaa. Maxaynu kaga duwan nahay? Su’aashaasi waxa ay u taalaa Xeer-dajinta.

Aqoonta maadiga ahi, waxa ay xustaa, inta la og-yahay, in xukunka dilka ahi soo taxnaa ilaa 3700 oo sanadood. Marka laga soo bilaabo Xadaaraddii Ciraaq (Babylon), ilaa laga soo gaadho tii Giriigga iyo Roomaanka. Dambiyada dartood qofka lagu dilaa waxay ahaayeen kuwo kala duwan sida dhagarta, jid-goyada, kufsiga, siyaasadda, basaasidda iyo khiyaamo qaran. Taas ayaa keentay maanta xukunka dilka ah in murankiisu bato. Isbahaysiga Yurub iyagu gabi ahaanba wuu ka soo hor jeedaa xukunka dilka ah, xuquuqda aasaasiga ah ee qofka ayaanu ku daray in aan xabis mooyee, sinaba xukun dil ahi ugu dhici karin.

Laakiin Dawladaha adduunka ugu dadka badan sida Maraykanka (34 Gobol oo ka mid ah 52), Shiinaha, Hindida iyo Indooniisia ayaa iyagu ka duwan Reer Yurub, oo adeegsada xukunka dilka ah, si ay u xakameeyaan dambiyada ay ka mid yihiin dhagarta, fidinta maandooriyaha iyo kufsiga. Murankan adduunyada waxaa sal u ah sida kolba ay dambiyadu dalaka ugu kala badan yihiin. Matalamba haddii dalka ay dhagartu ku badato, waxaa qasab ku noqonaya inay xukunka dhagarta adkeeyaan, si ay arrinka ula tacaalaan.

Sanadkii 2007kii, haddii aynu eegno dalalka fuliya xukunka dilka ah, waxaynu arkaynaa Maraykanka, siddeeddii milyanba, in hal qof lagu fuliyay xukunka Dilka ah. Shiinahana halkii milyanba in 3 qof lagu fuliyay xukunkaas. Baakistaan iyo Ciraaq halkii Milyanba hal qof baa lagu fuliyay xukunka dilka ah. Iiran 4 qof, Sucuudigana 5 qof halkii miyanba. Ha moogaan, dadkaas kor ku xusani, kulligood may gaysan dhagar, ee waxaa ku jira iyaga, dad geystay dambiyo kale oo qofka loo dilo sida kufsiga iyo ka ganacsiga maan-dooriyaha. Warbixintii Booliska Somaliland ee 2007,  waxay sheegtay in sanadkaas ay dalka ka dhaceen dilal gaadhaya 83 dil, kuwaas oo ay sheegtay in 55 gacan-ku-dhiigle boolisku gacanta ku dhigay, halka 23 kalena ay baxsadeen oo lagu daba jiro. Waxa aan filayaa dilalkaas badankoodu in ay ahaayeen dhagar ula kac ah, oo kama’u ku yar yahay.

Bal haddaba haddii tiradeenu guud ahaan ay tahay seddex milyan, ugu yaraanna aan ka soo qaadno 51 dhagarood oo ula kac ahi inay dhaceen sanadkii 2007, taas macnaheedu waxa weeya in Somaliland halkii milyanba 17 qof in lagu dilay dhagar ula kac ah sanadkaas. Tan haddii la barbar dhigo halbeeggii hore ee dunida, Sucuudiga oo kale matalamba, shanta qof ee u qorani kulligood dhagar may galin, ee sidaynu hore u sheegnay, waxaa ku jira oo shanta ka mid ah, kuwii wax kufsaday iyo kuwii ka ganacsanayay maaandooriyaha. Halka 17 ka qof ee Somaliland ay kulligood dhagar qabayaal yihiin. Halkaas ayaynu ku jabinay xogtii u taalay Adduunka.

Hay’adaha Dawladdu, siiba Xeer-dajintu, waa in ay keentaa shuruucdii lagu yarayn lahaa dhagarta. Si gaar ahna arrintani waxa ay u taabanaysaa Golaha Guurtida, oo aad mooddo marka ay wax dhacaan uun in ay nabarka dusha ka dhayaan, halka ay la iman lahaayeen dawo lagu bogsado oo ah shuruucda la xidhiidha nabadda guud. Shuruucdaas waxa ka mid ah in dib loogu noqdo dhaqankeena, oo had iyo jeer la jira in la badbaadiyo dhagar qabaha. Iyada oo dhaqankeenu sa-sabayo eheladdii marxuunka, kuna qancinayo; barito ayaad idinkuba cid kale dili doontaane, xeer dhigta oo magta iska qaata.

Xeerkaas la dhiganayaa waxa uu burinayaa Shareecaddii Islaamka, oo asalkeedu ahaa qofkii qof dila in loo dilo.  Shareecaddu waxa ay awood u siinaysaa in madaxda Muslimiintu ay laali karaan mag qaadashada haddii ay u arkaan in dilku ku badanayo Ummadda dhexdeeda. Waana ta uu Quraanku ina xusuusinayo in dilka dhagar qabaha ay nolasheenu ku jirto.

Wa Billaahit Tawfiiq

Maxamad Cabdi Daa’uud

Email: madaud@gmail.com

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
%d bloggers like this: