CEELBARDAALENEWS.COM

GOBI WAXAY MAHADISA GUULIYO MIDNIMO

  • Blog Stats

    • 73,496 hits
  • Calendar

    March 2010
    M T W T F S S
    « Jan   Jul »
    1234567
    891011121314
    15161718192021
    22232425262728
    293031  

Taariikhdii Ugaasyada Gadabuursi Qaybtii Labaad

Posted by Admin on March 5, 2010

5-UGAAS NUUR UGAAS CABDI :

Hadana waxa qaaday walaalkii Ugaas Nuur Ugaas Cabdi,taariikhdu markay ahayd 1698 Miiladiga,waxana lagu caleema saaray Bagi,waana loo dhamaa boqornimadiisa waxana uu dhashay meesha la yidhaah Haliso (ee Boorama u dhow) hooyadiina waxa la odhan jiray Aamina Bare.

Wuxuuna nin aad u cad oo sunayaal waawayn aadna waa uu dheera,wuxuuna ahaa geesi nin geesi ah oo arimahana aad u fiiriya,waxa kale oo uu ahaa nin qani ah deeqsina ah siyaasadana ku xeel dheer dagaalkana aad u jecel.Wuxuu nin jar iska xuura oo aan cidnaba ka baqayn tolkiina aad u jecel yihiinwaxana la sheegay in markii uu boqonimada qaaday uu damcay in uu sameeyo khiyaamo uu ku khaarajiyo boqorkii Gaalaha ee Aale-Boore.

Kolkaa waxa uu kaxaystay Afartan nin oo fardo fuula ah (Da’samo kowaad ee ahay tii uu Alla-baryay Sheekh Makaahiil Ismaciil) waxay ugu tageen meeshiisii goor habeena ah waxaana uu yidhi boqorku waxaan la soconaa nabad,ka dib Boqorkii Aale-Boore wuxuu yidhi nabad waan jeclahay ee ila soo degga,dhamaantiin waxaan u dhisayaa gabadh qurux badan ,Ugaaskana wuxuu u dhisay gabadhiisii la yiqiin ee Faayo Aale-Boore,oo ahayd tii Ugaas Shirdoon dhashay wuxuuna kula heshiiyay inayna dhulkoodii ku noqon waxayna la deganaayeen ilaa ay dumarkii loo dhisay ay noqdeen afar dhal.

Dasamadiina (waa 40 kii nin ee Ugaasku hogaanka u ahaa) waxa gaalihii u noqdeen abaan duulayaal dagaal oo aan la hoysan dagaal.

Markaa Aale-Boore iyo tolkii waxa ay u gureen dooxada Faafan,Ugaaskii ragii la socdayna waxa kula heshiiyeen inay u soo diraan Muur-qaad(awr) iyo hablo alaabta rara,goobta ay deganaayeena waxa ay Dooxada Harawe gaar ahaan Buurta JAJI-ABAYO.

Sidii caadadu ahayd kolkii ay soo gaadheen hablihii iyo Awrtii,dumar koodiina way soo kaxaysteen wayna soo guureen.Hablihii loo soo dirayna way soo afduubeen wayna ku soo noqdeen dhulkoodii hooyo Lo’ badana way soo kaxaysteen oo way soo guureen,waxayna yimadeen meesha la yidhaa Dhoobo,halkaas oo ay reeruhu deganaayeen hablihii soo rarayna dib baa dadkoodii loogu celiyay oo rag lagu daray.

Kolkuu ninkii Aalle-Boore warkii maqlay ee loo waramay wuxuu soo diray ciidan wayn oo wuxuu yidhi nimankii ka daba taga inta ayna dhulkoodii gaadhin.

Kolkii Ugaaskii iyo dadkiisaba buurta Dhoobo hoosteeda ayay dhufays wayn ka samaysteen,kolkaa colkii uu soo diray Aala-Boore inaanay waxba ka qabsan karayn markay arkeen way baqeen waxayna ku noqdeen dhulkoodi,kolkaas Ugaaskii Lo’dii badnayd wuxuu u qaybiyey Gadabuursigii galin bayna buurta Dhoobo hoosteeda ku noolayeen oo ay samayteen olole badan iyo tirtirsiin,hadana waxay u soo guureen xaga Oogada ee Koonfur.

In yar ka dib Gaalkii Aala-Boore wuxu soo diray col xoog leh wuxuuna amar ku siiyay in boqorka Ugaaska reerkiisa inay saq dhexe tagaan oo ay miraan.Ugaaskuna markuu maqlay hugunkii iyo qayladii fardaha wuxuu ka soo baxay aqalkiisi oo uu faraskiisii la oran jirey Bulaale u fuuley,kolkaasuu mudo idil isaga iyo dhawr nin oo colkiisiiya halkaa ku wada dagaalameen,markii dambenaway ka bateen halkaasna waxay ku dileen 9 wiil oo uu Ugaas Nuur dhalay.Kolkaa isagii iyo labadiisii inan ee la odhan jiray Shirdoon iyo Hiraab waxay tageen meeshii Gadabuursi olalaha ku samaysanayay waxayna uga warameen wixii dhacay si degdega ayay u diyaar noqdeen waxayna ka daba tageen colkii Gaalaha waxaynaku gaadheen meeshii ay dadka ku laayeen meel u dhow,halkaasana dagaal adagi ku dhexmaray Gaalihii iyo Gadabuursigii,kolkaa Gadabuursi way ka xoog roonaadeen Gaalihii oo si fool xun ayay u jabiyeen nin kaliya kama bixin.

Waxa yar ka dib kolkay taariikhdu ahayd 1733dii miilaadiga wuu dhintay Ugaas Nuur,wuxuuna ku aasan yahay buurta la yiraa Buur-Cali.

6-UGAAS HIRAAB :

Hadana waxa qaaday boqornimadii wiilkiisii Ugaas Hiraab Ugaas Nuur kolkay taariikhdu ahayd 1733dii miilaadiga,Hooyadii waxa la odhan jiray Faayo Aala-Boore,boqornimadiisana waa loo dhamaa wuxuuna ahaa nin aad u dheer oo taag daran wuxuuna ahaa ninkii maariin oo luga yaryar oo socosocod badan oo aan daalin wuxuu ahaa nin fahmo badan wuxuuna ahaa nin tolkii aad iyo aad u jecel yihiin oo ahaa nin qosol badan oo cadho yar mana ahayn nin baqa mana aqoon baasaysiga iyo cabsidaba wuxuu ahaa nin dagaalka neceb aadna u jecel nabada,wuxuu oran jiray lagu noolado waxaa u xun dagaalka iyo colaada haduu maqlo iyo khilaaf dagdag ayuu u bakhtiin jirey,intuu noolana gaalaha dagaal kama dhex dhicin.

Waxaase dhacday in maalin maalmaha ka mid ah uuseexday geed reerka agtiisa ah ku dhow isagoo aan haysan wax hub ah.Halkaas ayayna ku ogaadeen Gaaluhu inayna cidina la joogin oo halkaas ayay ku dileen boqorkii Ugaas Hiraabe waxaana diley ninka la odhan jiray Kaluuba oo ahaa abaanduulahii Gaalaha,waxaana la diley kolkuu sanadu hayd 1750kii miiladiga,laguna aasay meel la yidhaado Xamar oo ah meesha lagu dilay.

7 UGAAS SHIRDOON :

Hadana waxa qaaday boqornimadii Ugaas SHirdoon Ugaas Nuur,wuxuu ku dhashay meesha la yidhaa la haliso,hooyaddii waa Faaya Aala-Boore.

Waxan la boqrey kolkuu sanadu ahayd 1759kii Miiladiga,kolkii ama maalintii la diley walaalkiisii,boqornimadiisa waa loo dhammaa waxaana lagu caleema saaray Bagi wuxuuna ahaa nin dheer oo cad oo sunaay waawayn leh,wuxuuna laha gadh yar,sandheer iyo indho waawayn. Wuxuuna ahaa geesi oo aan aqoon wax cabsi la yidhaahdo oo cadho badan jecelna Dagaalka iyo fardo fuulka wuxuuna ahaa nin uu maqlo tolkii oo aan cidina khilaafin,wuxuuna ahaa nin ololaha iyo tirtirsiinta jecel.Wuxuu ahaa nin foojigan badan oo xoog badan oo arimaha inta aanay dhicin ka hor taga wuxuuna ahaa nin hurdo yar oo soojeed badan oo aan waxba iloobin.

Markii uu arkay dilkii walaalkii la dilay si degdega ayaa ugu soo noqday reerkii wuxuuna ka dalbay xaaskii walaalkii ka hadhay ianay si dagdaga ah u soo siiso Koorahii faraska wuxuuna jareeyay faraskii warkii buuna si degdega u soogaarsiiyay Gadabuursi waxaana u sheegay in la dilay Ugaaskii.ka dib colkii Gadabuursi si degdeg ah ayay u diyaar u noqdeen kolkiiba colkii Gaalaha way gaadheen waxaan labada qolo dhex maray dagaal aad u adag.

Ugaas Shirdoon dagaalkaa kaligii wuxuu dilay rag ka badan boqol nin oo halkaas wuxuu ku helay magac wayn,kolkaas Gaaluhu si xun bay u jabeen waxan halkaa lagu dilay aabaan duulahii Gaalaha oo la odhan jiray Kaluuba waxaana dilay dilay nin la odhan odhan jiray Hilin Geedi,kolkaas Ugaaskii si degdeg ah ayuu ugu noqday halkii lagu dilay walaalkii waxaana loo aasay sidii boqorada,kolkaa ka dib wuxuu huwaday dharkii boqornimada,waxaana jirtay maalintaas Ugaaska la dilay in markii uu kooraha ka qaadanayay xaaskii walaalkii Hiraab inay tidhi « Ishuu igu dayay Shirdoon Ugaaskii dhimay ».

Waxa la yidhi intii Ugaas shirdoon noola  wuxuu ahaa nin Gadabuursi u fiican oo wuxuu Gadabuursi gaadhay nolol fiican iyo isu tag iyo midnimo taas oo ka dhalatay geesinimadiisa,aftahanimadiisa ,raganimadiisii iyo wanaagiisii badnaa,wuxuuna kolkay taariikhdu hayd 1772tii miiladiga waxaana lagu aasay meesha la yidhaa Batalaha.

8-UGAAS SAMATER :

Hadana waxaa boqornimadii qaatay inankiisii Ugaas Samater Ugaas Shirdoon wuxuu ku dhashay meel Boorama u dhow,boqornimada wuxuu qaatay 1772dii miiladiga,hooyadii waxa

 Ahayd Faadumo Sheekh Cumar,boqornimadiisan waa loo dhamaa waxaana lagu boqray Bagi.

Wuxuuna ahaa nin dhexdhexaad ah oo aan aadna u dheerayn gaabnayna wuxuuna ahaa nin balaadhan oo hilib badan midabkiisu casaan buu u dhowaa wuxuuna ahaa nin indho waawayn,gadh wayn leh iyo lugo buurbuuran,wuxuuna ahaa nin aad u faseexad badan oo xikmad badan,oo waxa soo socda sheegi jiray,wuxuuna ahaa gabayaa oo gabayadana xafida oo hadal yaqaan oo wixii dadkii hore murti iyo maahmaah ku hadal jireen wada xafidsan,kol haduu hadlana sidii aabihii aan laga daba hadal, oo meel mariya wuxuu damco xaqana ku hadla in wal oo uu qadhaadh yahay.

Wuxuuna ahaa nin aad loo jecel yahay wuxuuna lahaa sir u qarsoon oo Ilaahay siiyay wayna dad badani sheegeen in markuu dhintay arkeen isaga oo qabrigaiisa ag fadhiya oo weel dahab ah haysta,wuxuuna ahaa nin aan salaadu ka tagin oo daacad ah waxaan la sheegay in aabihii islaantii hore ee uu guursaday ay dhali wayday inamo mudo badan kolkaa Gadabuursi way Faaliyeen oo waxay yiraahdeen naag gaari ah ha loo dhiso kolkaa wuxuu aabihii uu guursaday gabadha aan kor ku soo sheegnay ee Faadumo Sheekh Cumar,kolkaa uurkii u horeeyay waxay dhashay  Ugaas Samater,waana loo ciyaaray kolkuu dhashay,waxana loo bixiyay Samatar,oo waxa ku heesayeen oo ay ku ciyaarayeen (Samater dhalayoo sad korodh) waxanay jitay intuu boqranaa in Gadabuursi meel sare gaadhay wuxuuna ahaa nin aad u nasiib badan,wuxuu ahaa intuu in aan la arag dagaal iyo abaar midnaba,waxaase dhacday dagaal kaliya oo Gaalaha lagula dagaalamayay meesha la Fayaan-Biiro,halkaas oo gaaluhu six un ugu jabay,laguna dilay boqorkoodii la odhan jiray Aale-Boore,waxaan dilay ninkii geesiga ahaa ee magic dheera Geedi-Waraabe,waxaana la sheegay in ugaas Samatar uu Illahay waydiistay, inuu siiyo boqol nin oo geesiyaal ah oo ninkiiba kun nin ku filaado waqtiga dagaal dhaco,waxayna dhasheen ragaasi ayaamihii ugu boqornimadiisa,waxan jiray waqtiga uu boqorka ahaa in Somaalida dhexdooda waxooga dagaalo ahi ka dhex jireen laakiin nasiib wanaagiisa waxa soo damca Gadabuursi aad buu u jabi jiray.

Qabiilka Gadabuursina intii boqornimadiisa ka horaysay way tag daraayeen oo waxa la odhan jiray waa Timo-Dheer,laakiin intii isagu dhashay ayay Gadabuursihorumar wayn gaadheen.

Nimankii Gaalaha ahaana dhulka dib uguma soo noqon kolkii la dilay boqolkoodii Aala-Boore,

Gaaluhuna waxay ahaayeen niman badan oo fardafuula oowuxuun baabiya waxaynadoonayeen waqooyiga Somaaliya inay qabsadaan oo ay gacanta saaraan dhulkaas oo ku fiican beeraha iyo xoolaha,Ugaas samater wuxuu dhinatay1812dii miiladiga wuxuuna ku aasan yahay meesha la yidhaa Xariirad.

9-UGAAS GULEED:

Hadana waxa qaaday boqornimada inakiisii Ugaas Guleed Ugaas Samatar wuxuuna dhashay meel ku dhaw Boorame,wuxuuna Boqornimadiisa qaaday 1812dii miiladiga waxaana lagi boqray Bagi,boqornimadiisana waa loo dhamaa,hooyadiina waxay ahayd Xamaro Geeleh,wuxuuna ahaa nin dheer oo maariin ah ,indho cas,oo indha ku leh ilmo badan,wuxuu ahaa nin luga yar yar oo gacma dheer wuxuuna ahaa nin deeqsi ah oo neceb bakhaylnimada wuxuuna jeclaa fardo fuulka iyo ugaadhsiga wuxuuna ahaa nin dagaal jecel,mudadii yaraa boqranaa dhawr dagaal ayaa ka dhex dhacay Gadabuursi iyo Daaroodka,waqtigiisii bay gaashaan qaadeen ee la odhan jiray geediyada,mudadii yarayd ee uu noolaa Gadabuursiga wax dhib ahi ma soo gaadhin,waxan loo sheegay in loo faaliyay ayaan ayaamaha ka mid ah oo la yidhi abeeso ayaa ku cunaysa ee faraska ha ka deign,kolkaa maalin oo idil faraska ayuu fuushanaa goor casar gaaban aha ayaa kaadi qabatay kolkuu kaashay ayaa wuxuu arkay jidhif meel taal oo uu damcay inuu kaadida isaga bi’iyo ilayn jidhiftuba aabeeso ayaa ku labnayd waana ay qaniintay sababta ayuuna ku dhintay,aad ayaa looga muragooday arintaas,wuxuuna dhinatay kolakay taariikhdu ahayd 1817kii miiladiga waxaana lagu aasay meesha la yidhaa weerar.

10-UGAAS ROOBlE:

Hadana waxa boqornimada qaaday walaalkii  oo la odhan jiray Ugaas Rooble Ugaas Samatar,wuxuuna ku dhashay Harawa,waxana lagu caleema saaray Bagi,boqornimadisana waa loo dhamaa waxana uu boqornimada qaaday 1817kii miiladiga oo ahayd markii walaalkii dhinatay,hooyadiina waxa ahayd Xamaro Geeleh,wuxuuna aahaa nin dheer oo aad u cad oo aad u qurux badnaa,wuxuuna ahaa nin haybad badan oo laga haybadaysto oo tolkii hadalkiisa maqlo oo aa iyo aad loo jecel yahay wuxuuna nin gacmo-dhaadheer oo deeq badan,geesina ah waqtiga dagaalka oo faseexo badan oo qoor dheer leh,dulqaad badan leh,wuxuuna ahaa nin dadka soo jiita oo qosol badan,wuxuuna nin aan waligii cadhoon oo ciyaar badan,oo dhaliyarada kala qayb gala olalaha,oo farafuulka jecel iyo ugaadhsiga,wuxuuna ahaa nin xarago badan oo aan seexana,ahaana nin gabyaa oo gabayga xafida wuxuuna ahaa nin hadal yaqaan oo aan hadalka daalin,waxaana la sheegay kol haduu bilaabo inuuna ka daali jirin,oo uu hadli karo ilaa afar saacadood,wuxuuna had jeer ilaalin jiray dadka taagta daran iyo agoonta,waxaana la sheegay in miskiin ah uu yidhi xaas baan leehay ee wax i siiya uu siiyay 200 neef oo adhi ah,waxa la la sheegay inuu Habeen kaliya u gawracay 50 dibi,wuxuuna ahaa boqaradii oo dhan ninka ugu deeqsisanaa.

Waxa kale oo uu ahaa nin nasiib badan,nasiib badnidiisana waxa ka mid ahayd in ragii aabihii Ugaas Samatar ku ducaystay ee uu yidhi”Ilaahayoow waxan ku baryayBoqol nin oo kunciila”ragas ayaa isaga la barbaaray nasiib wanaagiisa oo fardaha la fuulay ragana magic yadooda waxa ka mid ahaa:sidan hoos ku qoran

1- Geedi Bahdoon  (Geedi Malable)

2-Geedi Faarax (Geedi Daba-cade)

3-Cali Cumar (Cali Aar)

4-Boon Cumar (Boon-Jilib yar)

5-Geedi Maydan

6-Waarabe cade

7-Rooble Afdeeb

8-Boqore Same-dudub (Boqore-Gadhlaawe)

9-WaaDubad Geedi

Sorry, the comment form is closed at this time.

 
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: